Mid Ka Mid Ah Ergadii Soo Xushay Xildhibaanada Oo La Dilay.

Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee magaaladan Muqdisho ku dileen mid ka mid ah Ergadii soo xushay xildhibaanada golaha dhawaaqiida dowlada Farmaajo.

Geedi Maxamuud oo ku magacdheeraa Geedi Firdhiye ayeey ragga hubeysan dhowr xabadood kaga dhufteen qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in isla goobta ku geeriyooda.

Fardhiue waxa uu ka mid ahaa Ergadii degmada Jowhar kusoo xushay xildhibaanada dowlada Ridada federaalka,iyadoona sidaan oo kale gudaha magaalada Muqdisho loogu dilay dhowr Ergo oo qeyb ka ahaa xubnihii soo dhisay xildhibaanada cusub.

Geedi Firdhiye ayaa mudooyinkii dambe olole xoogan ugu jiray sidii uu ku noqon lahaa gudoomiyiaha dowlada federaalka ugu magacaaban deegaanka Garsaaley ee duleedka Muqdisho.

Dilkan ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada Shabaabul Mujaahidiin howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen gudaha degmada Yaaqshiid ay ku dileen Muxamed Cali Cilmi oo ahaa gudoomiyihii maamulka gaala raaca Galmudug ugu magacownaay gobalka Galgaduud ee Bartamaha dalka Somaliya.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somalia.

Comments are closed.