Qarax Culus Oo Ka Dhacay Duleedka Baydhabo.

Wararka ka imaanaya degmada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxey sheegayaan in qarax culus uu ka dhacay duleedka magaaladaasi.

Qaraxa waxaa lala beegsaday kolanyo Itoobiyaan ah oo kasoo baxay degmada Waajid kuna soo jeeday dhanka degmada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ayaa haleeshay mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen askarta Itoobiya taasi oo sababtay burburka gaariga iyo sidoo kale Baqti iyo dhaawac soo wajahday askartii Xabashida ee la socotay gaarigaasi.

Dhawaaqa qaraxa waxaa si aad ah looga maqlay deegaano badan oo dhaca duleedka Baydhabo’waxa uu qaraxan kusoo aadayaa xilli maalmo ka hor qarax Kufaarta Itoobiya lagula lagula beegsaday duleedka degmada Waajid ee gobalka Bakool looga gubay gaari Xamuul ah oo sahay ciidan ay ku wateen.

Calamada.c

Comments are closed.