Saaka abaaro 10:00 saac saacaddu markay ahayd ayaa ciidanka Kirishtaanka Kenya waxay weerar ku soo qaadeen deegaanka Biibi oo ay ku suganyihiin ciidanka Muslimiinta.
Dagaalka oo soo gaaray ilaa caawa gabal dhici ayaa waxayMujaahidiinta jilbaha u aasteen ciidankii Cadowga waxaana Allaah Fadligii suura gashay in Mujaahidiintu ay dib u celiyaan cadowga.
Isku dayo dhowr ah oo cadowgu uu damacsanaa ayaa fashilmay waxaana saraakiishii dagaalka hoggaamineysay ay noo xaqiijiyeen in xaalku uu ku cuslaaday cadowga kadib Markii labo ka mid ah gaadiidkooda lagu gubay wadadii ay ku soo baxeen askar badanna laga laayay taasi oo dhalisay in ciidamad Kenya ay isa soo maqiiqaan.
Ilaa galabta xaaladdu waxay ahayd mid dagaal waxaana ciidanka Mujahidiintu ay ku suganyihiin caawa oo gabalku ugu dhacay Biibi oo ahayd meeshii lagu hardamayay.
Saraakiisha Mujaahidiinta ee ku sugan fagaaraha dagaalka ayaa noo sheegey in lagu ballamay beycatul mowd barrina la filayo in dagaal culus, dhanka kale war naga soo gaaray degmada Afmadow ayaa la sheegayaa in laga barooranayo maadaama la geeyay meydadka iyo dhaawacyada askar gaareysa 60 askari kuwaasi oo qaarkood ay ka mid ahaayeen maleeshiyo caan ka ahaa Magaaladaasi.
qasaaraha gaaray cadowgii maanta weerarka soo qaaday ayaa ah mid laba jibaar ah dhanka askarta Kenya waxaa maanta goobta dagaalka looga daabulayay diyaarado soo dagayay meel ka yara durugsan furinta dagaalku ka socdo.
Last Comments (Fikrado)