Sawiro Ganacsade Somali Ah Oo Lagu Gubay Konfur Afrika.

Kooxa burcad Konfur Afrikan ah ayaa weerar ku qaaday goob ganacsi oo uu lahaa ganacsade Somali ah taasi oo ku taala magaalada Durban ee dalka Konfur Afrika.

Burcadda ayaa gabi ahaan dab qabadsiiyay goobta ganacsiga xilli uu ganacsadaha Soomaaliga ah dhex jiifay goobtiisa ganacsi.

Ganacsadahan oo lagu magacaabo Axmed Jaliil Cali ayaa markii dambe u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray dabka la qabadsiiyay goobtiisa ganacsi.

Sawiro laga soo qaaday Ganacsadahan xilli lagu dabiibayay isbitaal ku yaala magaalada Durban ayaa muujinaya sida arxan darada ah ee Burcadda Konfur Afrikanta ah u gubeen ganacsadahaasi Soomaaliga ah.

Inta badan ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Konfur Afrika ayaa dhibaatooyin culus kala kulma kooxaha Burcad Konfur Afrikaanta ah.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada.

Calamada.com