Sawiro Shacabkii Diyaaradaha Mareykanka Ku Xasuuqeen Jubbooyinka.

Iyadoo habeenkii xalay diyaaradaha dowlada Nasaarada Mareykanka duqeyn arxan daro ah ka geysteen Tuulo ka tirsan gobalka Jubbada hoose waxaa soo baxayo faahfaahino ku aadan duqeyntaasi.

Sawiro laga soo qaaday Tuulada Axmed Yare oo ah tuulo dhacda wadada isku xirta degmooyinka Jilib iyo Kamsuumo islamarkaana habeenkii xalay duqeyn arxan daro ah ay ka gaysteen diyaaradaha Mareykanka.

Sawiradan ayaa Muujinaya Meydad dad hal qoys ah oo gabi ahaan kuwada dhintay duqeynta diyaaradaha Mareykanka,sidoo kale ciidamada Mareykanka oo Tuulada kusoo dagay waxey toogasho ku dileen qaar ka mid ah Todobada ruux halka qosy ka kooban ee dowlada Mareykanka ku xasuuqday tuuladaasi.

Sawirada qaar oo aad u naxdin badan si aad ahne hilbahooda u burburay ayaa ka reebnay oo aan idiin soo gudbinweynay balse waxaa xusid mudan in qoyska oo guud ahaan ka koobnaay Todobo ruux aysan jirin qof ka nool oo xasuuqaasi ka badbaaday.

Madaxweynaha dowlada Ridada Muxamed Farmaajo ayaa ku faanay inuu isaga amray xasuuqa diyaaradaha iyo ciidamada Nasaarada Mareykanka u geysteen qoyskii ku dhaqnaay Tuuladaasi.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Xasuuqa Diyaaradaha Mareykanka.

Calamada.com