Dhageyso+Akhriso Hogaanka Guud Ee Shabaabul Mujaahidiin Oo Ka Tacziyeeyay Istish-haadka Sheekh Cali Jabal.

Mu,asasada Al-kataa’ib ee garabka Warbaahineed ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa baahisay Bayaan ku qoran Luqadda Carabiga oo kasoo baxay hogaanka guud ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin kaasi oo Hogaanka kaga hadlay islamarkaana Umadda Islaamka kaga Tacziyeeyay Istish-haadka Waaligii Wilaayada Banaadir Sheekh Cali Muxamed Xuseen Cali Jabal Taqabala hullaah.

Halkan Ka Dhageyso Bayaanka Oo Af-somali Lagu Tarjumay.

 

Halkan Hoose Ka Akhriso Bayaanka Oo Af-somali lagu tarjumay.

 
Bayaankan oo uu ku saxiixnaa hogaanka sare ee Xarakada  Al-Shabaab, kuna qornaa luuqadda carabiga ayaa si rasmi ah loogu shaaciyey istish-haadka Sheykh Cali Maxamed Xuseyn (Sh. Cali Jabal) oo ahaa waaligii Wilaayada Islaamiga ee Banaadir kaas oo horaantii bishan aan ku jirno ee Dul-Qacdah ku shahiiday duqeyn diyaaradaha Mareykanku ay ka geysteen Wilaayada Sh/hoose.

 
Bayaankan oo cinwaan looga dhigay “Tahniyad iyo Tacsi ku socota Umadda Islaamka oo ku aadan Istish-haadka Sheykh Cali Maxamed Xuseyn) ayaa lagu daahfuray aayadda 169aad ee Suuratu Aala-Cimraan.

 
Bayaankan kasoo baxay hogaanka sare ee  Al-Shabaab ayaa lagu yiri: “Waxaan maanta halkaan uga tacsiyeyneynaa Istish-haadka geesi ka mid ah halyeeyada Islaamka ee baalka dahabiga ah ka galay sooyaalka taariikheed dhulka Soomaaliyeed, kana tagay taariikh weyn oo magaciisa wax badan ka xambaarsan.

 

 

Waxaa uu ahaa Sheykh Cali Jabal, Sidaas ayay ugu yeeri jireen kuwa Jecel, Walaalahiisa iyo inta ay halganka Isla wadeen, Waa Sheykh Cali Maxamed Xuseyn, Allaha shahaadadiisa ka aqbalee”.

 
Waxaa sidoo kale bayaanka lagu yiri: “Waa Taariikh ay laabtu ku qaboowsaneyso, ruuxdana jecleysaneyso,Waa taariikhda Mujaahid inta ugu badan cimrigiisa ku bixiyey Jihaadka iyo ribaadhka iyo nafhurnimada taas oo qof walba oo sheekha yaqiinay u muujineysa in Jihaadku yahay beer aad u weyn, laamaheeduna ballaarteen, harkeeduna weynaaday, miraheeduna ballaarteen kadib daacadnimada kuwa ku taagan dhabaheeda – Naxsabuhum, Wallaahu Xasiibuhum.
Intaas ka dib bayaanka wuxuu soo qaadanayaa Xadiith laga wariyey Abii Umaamah –Allaha ka raali noqdee- oo tilmaamaya in nabigu SCW yiri ”Wax Allaah looga jecel badan yahay ma leh laba dhibcood iyo laba raad, Dhibicda ilin ka timid qof Allaah dartii u Ooyey iyo dhibicda dhiig Allaah dartii loo daadiyey,Laba raadna waxay yihiin Raadka qof Allaah dartii u socday iyo raadka qof u socday faradh ka mid ah faraa’idda Alle. Waxaa wariyey Tirmidi.

 
Intaas ka dib waxaa bayaanka lagu yiri ”Maanta waxaanu qoreynaa marqaati kac ay taariikhdu keydin doonto oo uu leeyahay nin ku soo barbaaray tarbiyada Islaamka, ayna ka muuqatay calaamadaha daacadnimada iyo kartida, Xifdisan Kitaabka Allaah, Aqoon durugsan u leh culuumta luuqadda carabiga iyo usuusha Fiqhiga”.
Mar uu bayaanku ka hadlayey waxqabadka Sheekha iyo dadaalkii xooganaa ee uu bixiyey mudadii ku taagan wadada Jihaadka, waxaa lagu yiri: “Garraadkiisa sareeya, Ra’yigiisa toosan iyo himmadiisa fog ayuu ku kasbaday kalsoonida hogaankiisa, Waxaana uu ahaa waaligii ugu horeeyey ee loo dhiibo xilka Wilaayaatka Islaamiga, Waxaana uu mas’uul ka noqday Wilaayada ugu muhiimsan, uguna culeyska badan Wilaayaatka dalka, Waa Wilaayada Banaadir ama Muqdisho, Waxa uu hoggaanka u qabtay xilli ay xaaladu aad u adag tahay, qalalaasa fara badana uu jiray, Wuxuuna ahaa mid gutay waajibkiisa oo wanaajiyey wilaayada, baacsadayna dambiilayaasha ilaa uu amnigii dib u soo hagaagay.

 
Waxaa sidoo kale bayaanka lagu yiri: Waxa uu heshiisyo dhexdhigay qabaa’illada illaa ay meesha ka baxday xiqdigii, ayna badashay walaaltinimo iyo kalgaceyl. Waxa uu hammigiisa ugu weyn ka dhigay in uu dhidibada u aaso Amniga iyo Ammaanka, Al-baabada Fasaadkana uu xiro.

 

 

Tani waxaa aad looga dheehan karay sida adag ee uu ula mucaamilay ganacsatada dhiig miiratada ah iyo hay’adaha shisheeye ee u bareeray in ay raashiin iyo daawooyin dhacay ku soo daabulaan suuqyada caasimadda kuwaas oo uu ka soo xiray dhamaan wadooyinka, mana aanu jirin Bakhaar ama keydka bad-baaday baaritaanada adag si ay dadka Muslimiinta ugu nabadgalaan waxa ay iibsanayaan.

 
Waxaa bayaanka sidoo kale lagu soo hadal qaaday Naxariista, Cadaaladda iyo kartida hogaamiyenimo ee uu lahaa Sheekha taas oo ay ka marqaati kaceen dadkii ka agdhawaa iyo bulshadii ku hoos nooleyd Wilaayadii uu Mas’uulka ahaa.

 

 

“Sheykh Cali Maxamed Xuseyn waxa uu ahaa mid heybad ku dhexleh bulshada dhexdeeda, taas oo keentay in dadka laga awoodda badan yahay ee ku dhaqan magaalada iyo hareeraheeda ay isaga soo miciin bidaan, una qeyla-dhaansadaan, isagoo xaqooda u soo celiyey, cadaaladna dhexdhigay, isagoo aanan kala sooceynin mid faqiir ah iyo mid taajir ah, Rag iyo dumar, mid yar iyo mid weyn, sidaas ayeyna xaaladu sii ahayd xitaa markii laga soo insixaabay magaalada Muqdisho xilligaas oo uu sheekhu saldhig ka dhigtay magaalada duleedkeeda si uu howsha halkaa kaga sii wado, halkaas oo ay uga daba yimaadeen dadweyne aad u fara badan oo ka soo baxay Muqdisho iyagoo raadinaya gurmadkiisa iyo xukunkiisa cadaaladda ku dhisan, ka dib markii uu kaalin udub dhexaad ah ka qaatay dardar gelinta garsoorka caasimadda, dadaal dheeri ahna ku bixiyey in dadka dulman hantidooda loo celiyo.

 
Bayaanka waxaa sidoo kale lagu sheegay in Sheykhu uu kaalin libaaxleh ka qaatay mideynta kalimadda Muslimiinta, wuxuuna lahaa dadaallo aanan la ilaawi Karin oo uu ku bixiyey mideynta sufuufta Mujaahidiinta iyo daboolidda dul-duleelada iyo ka hortagga kala daadsanaan walba oo wax u dhimeysa dhismaha Jihaadka lagu ilaalinayo deegaannada Muslimiinta.

 
“Waxa uu ahaa nin ku dadaala in cid walba uu siiyo xaqqa uu leeyahay xitaa hadday yihiin xaywaanada, Waxa uu ahaa qofkii ugu horeeyey oo mamnuucay in xoolaha la rarto lagu hogaamiyo liijaan bir ah. Wuxuu ahaa mid ku ad-adag go’aanadaas, isagoo ku celcelin jiray in xaywaanaatku ay leeyihiin xuquuq ayna tahay in la dhowro” ayaa lagu yiri Bayaanka.

 
“Wuxuu dowr firfircoon ku lahaa abaabulada shirarka, sidoo kalena sugnaan u saaxiib ah xilliyada ay ibtilaa’aatku jiraan. Waxa uu ahaa mid u daacad ah Wilaayada uu qaaday amaanada maamulkeeda, waqti dheerna uu soo xifdiyey.

 

 

Taas waxaa uga marqaati kacaya erayadiisii uu marwalba ku cel-celin jiray ee ahaa: “Muqdisho waa magaallo Jihaad iyo halgan, horayna uma dhicin, hadana ma dhici doonto in ay cadowga isku dhiibto weligeed”.

 
Maalintii Axadda ahayd oo taariikhdu ku beegneyd 7-dii dul-qacdah 1438h, Isagoo howshiisa heerkii ugu sareysay marinaya,  laf dhuun gashay ku noqday cadowga, isagoo ku sugan saldhigiisii la deriska ahaa Wilaayadiisa, waxay isku dayeen diyaaradaha Mareykanka ee fulayaasha ah in ay duqeeyaan, markii koowaad wey la weysay hadafka, markii labaadna wey la heshay, halkaasna waxaa ku shahaado qaatay isaga iyo wiilkiisa Maxamed Amiin kaas oo da’diisu aanay ka badneyn 12 sano iyagoo halkaas uga wada gudbay marxaladii ibtilada, una gudbay marxaladii liibaanta –Kamaa Naxsabuhum.

 
Rasuulka SCW waxaa la weydiiyey: Jihaadka kee baa ugu fadli badan? Waxa uu ku jawaabay: midka faraskiisa la boqna gooyo, dhiigiisana la daadiyo. Waxaa wariyey Axmed.

 
Waa saacadii uu Allaah u qdaray, digtooniduna waxba kama tarto qadarta, Qalbigu waa uu murugoonayaa, ishuna wey ilimeyneysaa, mana oraneyno wax aanan ka ahayn waxa Rabigeena raaligelinaya. Inaguna bixitaankaaga, Sheykh Caliyow waan la murugeysanahay, Wa Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

 
“Gaaladu waxaan ku leenahay: Maxaad la farxeysaan? Wax baan idinka dilnay, idinkuna waxbaad naga disheen, balse Allaah waxaan ka rajeyneynaa wax aydaan idinku rajeyneynin, Sabarkuna waxaan u leenahay wax aydaan awoodin, Go’aanna waxaan u leenahay in aan idiinla dagaalanno qarniyo badan soo socda.

 
Allow Musiibadeena naga ajar sii, Umadda Islaamkana ugu badal wax ka kheyr badan, Sheekhana ka aqbal shahaadadiisa oo haleelshii Anbiyada, Sidiiqiinta iyo Shuhadada, ehelkiisa iyo kuwii jeclaana ku ilhaami sabar iyo dulqaad.

Halkan Hoose Ka Akhriso Bayaanka Oo Carabi Ah.

Calamada.com