Dhageyso Fadliga Tobanka Hore Ee Bisha Dil-xijjah Iyo Sheekh Yuusuf Mucalim.

Iyadoo maalinta barito ah tahay 1-da bisha Dil-xijah waxey culimada Soomaaliyeed ugu baaqeen bulshada Muslimka Soomaaliyeed iney ka faa,ideystaan fadliga iyo kheyraatka ka buuxa tobanka hore ee bisha Dul-xijah.

Sheekh Yuusuf Mucalim Cabdi Raxman oo ka mid ah culimada Somaliyeed oo la hadlay Idaacada Islaamiga ah ee Andalus waxa uu si aad ah kaga hadlay fadaa,isha kitaabka iyo Sunada ay ka warameen ee ka buuxa tobanka hore ee bisha Dil-xijah.

Sheekha ayaa ugu baaqay in bulshada Muslimka ka faA,ideysato fadaa,isha tobanka maalmood ee ugu horeeya bisha Dil-xijah oo ka mid ah fursadaha qaaliga ah ee Allaah uu siiyay adoomadiisa Muslimiinta ah.

Halkan Ka Dhageyso Muxaadarada Sheekh Yuusuf.

Calamada.com