Sawiro Meydadka Dadkii Ciidamada Mareykanka Ku Xasuuqeen Sh/hoose(Magacyada).

Ciidamada dowlada Mareykanka ayaa xasuuq naxdin leh ka geysteen  duleedka deegaanka Bariire ee duleedka degmada Afgooye.

Ciidamada Nasaarada Mareykanka ayaa weerar ku qaaday beeraha deegaanka Bariire,waxeyna halkaasi ku xasuuqeen dad fara badan oo Beeraley ah.

Inta la xaqiijiyay ciidamada Nasaarada Mareykanka waxey xasuuq ku dileen Kow iyo Toban ruux,waxeyna qafaasheen Toban ruux oo saddex ka mid ah iyagoo dhaawac ah ay wateen.

Halkan Hoose Ka Akhriso Magacyada Dadka Ciidamada Mareykanka Xasuuqeen.

1-Saneey Jaamac Warsame.

2-Isxaaq Cali Haaruun.

3-Xuseen Khamiis Mucalim Cabdi.

4-Maxamuud Talasow Cabdi.

5-Cabdi Qaadir Cabdi Llaahi Diiriye.

6-Cali Aadam Axmed.

7-Cabdi Fitaax Yuusuf Cabdi.

8-Maxamuud Muxamed Cabdi.

9-Cali Cabdi Ibraahim.

10-Juruum Maxamuud Yuusuf.

Isbitaalka Madiine ee magaalada Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay meydadka Toban ruux oo beeraley ah kuwaasi oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Nasaarada Mareykanka ay ku xasuuqeen beer ku taala duleedka deegaanka Bariire ee gobalka Shabeelada hoose.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Meydadka Dadka Ciidamada Mareykanka Xasuuqeen.

Calamada.com