Sawiro+Dhageyso Dibad Baxyo Ka Dhan Ah Farmaajo Iyo Mareykanka Oo Bilowday.

Kumanaan ruux oo aad u careysan ayaa isugu soo baxay wadada dheer ee isku xirta degmada Afgooye iyo magaalada Muqdisho kuwaasi oo ka careysan xasuuqii ciidamada Nasaarada Mareykanka ay ka geysteen deegaanka Bariire ee gobalka Shabeelada hoose.

Dadkan dibad baxyada dhigayay ayaa gabi ahaan hakad galiyay isu socodka gaadiidka ee wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye,waxey sidoo kale dadkan albaabada isugu dhufteen goobaha ganacsi.

Dadka careysan ayaa ku dhawaaqayay ereyo dhan ah dowlada Ridada Farmaajo iyo midda Nasaarada Mareykanka kuwaasi oo dad shacab ah ku xasuuqay deegaanka Bariire ee duleedka degmada Afgooye.

Wadada laamiga ah ayaa lagu  gubay taayarro waxayna dadku muujinayeen sida ay uga careysanyihiin dadkii shacabka ahaa ee ciidamada shisheeye ku xasuuqeen gobolka Sh/Hoose.
Ehelada dadka ay xasuuqeen ciidamada Nasaarada Mareykanka ayaa wacad ku maray ineysan meydadka dadka laga xasuuqay aysan aasi doonin inta meel laga saarayo sababta loo xasuuqay.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada.


Comments are closed.