Sawiro Magaalada Afaraad Ee Dalka Mareykanka Oo Lama Dagaan Isku Badashay.

Wadanka Mareykan Mareykanka xaalad adag ayaa usoo gashay malaayiin qof oo ku nool mid kamida magaalooyinka ugu waaweyn wadankaasi kadib markii ay ku dhufteen roobab daadad iyo fatahaad wata waxaana laga digayaa in xaaladda dhimasho ay sii kororto.

 

Magaalada Houston oo ah magaalada afaraad ee ugu weyn wadanka Mareykanka waxaa badankeed qariyay biyaha roobka waxaana isaga barakacay malaayiin qof oo deganaa, magaaladan ayaa la sheegay in muuqaalkeedu isku bedelay lama degaan kadib markii biyuhu buux dhaafiyeen waddooyinkeeda iyo suuqyada ganacsiga ee caanka ah.

 

Duufaan aad u xooggan ayaa ku dhufatay gobolka Texas ee dalka Mareykanka iyadoona dhimashadu ay gaartay 2 qof inta la ogyahay waxaana laga cabsi qabaa in duufaantan ay khasaara lixaad leh geysato.

Duufaanta oo loogu magac daray Harvey ayaa saacaddiiba jaraysa 200 oo KM waxayna burburisay tobanaan guri iyo goobaha ganacsi, sidoo kale duufaanta ayaa la tagtay inkabadan kun baabuur oo nuuca raaxada ah sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.

 

Madaxweynaha dowlada Nasaarada Mareykanka gaalka lagu magacaabo Donlad Trump ayaa xaalad degdeg ah uga dhawaaqay gobolka Texas kadib soo jeedin katimid guddoomiyaha gobolka Musiibadu ka taagantahay, in kabadan 50 degmo iyo Tuulo oo Texas katirsan ayaa la sheegay in laga saaray dadkii deganaa sababa la xiriira cabsi laga qabo in roobabka dabeylaha wata ay dhibaato dhaliyaan

 

Duufaanta Harvey ayaa la sheegay in khasaara malaayiin dollar ah geysatay, musiibooyinkan rabbaaniga ah ayaa sanad walba ku dhuftay gobollada kala duwan ee wadanka Mareykanka waana musiibo uu alle ku salliday kuwa rabbi ku caasiyay.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Duufaanta.

 

 

Comments are closed.