Dhageyso Dowlada Mareykanka Oo Qiratay Xasuuqii Bariire.

Taliska ciidamada Mareykanka qaaradda Afrika ayaa xaqiijiyay in ciidamada Mareykanka ay ka qeyb qaateen weerarkii dadka shacabka ah lagu laayay ee Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose Koonfurta Soomaaliya.

Saraakiil katirsan AFRICOM ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in ciidamadooda lasiiyay macluumaad khalad ah oo ku aaddan in goobta la weeraray ay ku sugnaayeen dagaalyahanno katirsan Xarakada Al Shabaab.

Saraakiishan ayaa eeda dusha kaga tuuray dowlada Ridada Farmaajo,waxeyna ku eedeeyeen kooxda Farmajo in macluumo qaldan ay siiyeen saraakiisha iyo ciidamada Mareykanka ee howlgalkaasi fuliyay.

Halkan Ka Dhageyso Warbixinta.

Calamada.com

Comments are closed.