Weerar Ka Dhacay Degmada Howlwadaag Ee Muqdisho.

Weerar qorssheysan oo loo adeegsaday Bambaanada gacanta laga tuura ayaa lagu weeraray maleeshiyaat ka tirsan kuwa isku magacaabay xasilinta caasimada ee qeybta ka ah maleeshiyaatka dowlada Ridada.

Maleeshiyaatkan ayaa xilligii la weeraray waxey ku sugnaayeen isgoyska degmada Howlwadaag,waxeyna goob joogayaal xaqiijiyeen in bamka bartamaha ka galay maleeshiyaatkaasi.

Si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha maleeshiyaatka Farmaajo kasoo gaartay weerarkaasi Bamka ah,waxeyna maleeshiyaatka Murtadiinta Bamka ka dib fureen rasaas aan loo meel dayin maja jirta wax dad shacab ah oo waxyeelo kasoo gaartay rasaasta maleeshiyaatka dowlada Ridada.

Labadii habeen ee lasoo dhaafay waxaa sidaan oo kale weeraro Bambaano lagu qaaday fariisimo iyo saldhigyo maleeshiyaatka dowlada ay ka kala sameysteen degmooyinka Wadajir,Wardhiigley iyo Boondheera.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Mogadishu, Somalia.

Comments are closed.