Inka Badan(25)Askari Oo Mareykanka Looga Dilay Weeraro Ka Dhacay Afghanistan.

Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan waxey sheegayaan in saacadihii u dambeeyay weeraro kala duwan oo ka dhacay qeybo ka mid ah dalkaasi lagu dilay askar fara badan oo American ah.

Ciidamada Difaaca Cirka Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa gantaal la helay mid ka mid ah diyaarada dagaalka dowlada Nasaarada Mareykanka gaar ahaan nooca Elecobtarka.

Diyaaradan ayey ciidamada Mujaahidiinta ku soo rideen deegaan ka tirsan gobalka Lowjar ee bartamaha dalka Afghanistan gabi ahaan diyaaradu weey burburtay.

Afhayeenka Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid ayaa qoraal uu soo saaray ku xaqiijiyay in diyaarada lasoo riday waxa uu intaasi ku daray in gabi ahaan ay halaagsameen inka badan Labaatan askari American ah oo diyaarada la socotay.

Dhanka kale qarax miino oo ka dhacay isla deegaan ka tirsan gobalka Lowjar waxaa lagu burburiyay gaari Taangi ah waxaana lagu dilay hal askari oo American ah waxaana lagu dhaawacay saddex kale oo isla ciidamada Mareykan ah.

Calamada.com

Comments are closed.