Qarax Shisheeyaha Lagula Beegsaday Degmada Afgooye.

Qarax miino waxaa gudaha degmada Afgooye lagula beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta AMISOM oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah xaafadaha degmadaasi.

Dhawaaqa qaraxa miino waxaa si aad ah looga maqlay xaafadaha degmada Afgooye iyo qaar ka mid ah deegaanada hoostaga degmadaasi.

Goob-jooga ka agdhawaa goobta qaraxa ayaa xaqiijiyay dhimashada hal askari oo tirsan ciidamada gaalada iyo dhaawaca tiro kale oo isla askarta shisheeyaha ah.

Qaraxan maanta ka dhacay gudaha degmada Afgooye waxa uu kusoo aadayaa xilli weeraro isugu jira qaraxyo iyo Kamiinka shisheeyaha saacadihii lasoo dhaafay lagula beegsaday qeybo ka mid ah gobalada Gedo,Jubbooyinka iyo Shabeelada hoose.

Calamada.com