Sawirro: Sida Looga Ciiday Magaalada Galhareeri Ee Wilaayada Galguduud.

Dhammaan degmooyinka gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa maanta si heer sare ah looga ciiday munaasabadda Ciidul adxaa oo maanta ah maalintii koowaad, fagaaraha weyn ee magaalada ayay dadku ku tukadeen salaadda ciidda kadibna waxaa shacabka loo qeybiyay qoraallo islaami ah oo ka tarjumaya nusuusta kusoo aroortay dabaal degga ciiddul adxaa.

Mas’uuliyiin katirsan wilaayada Islaamiga Galguduud ayaa shacabka la ciiday, sidoo kale magaalada Ceelbuur ee gobolka Galguduud ayaa maanta markii ugu horraysay sedax sanadood kadib laga ciiday kadib markii ay dhowaan isaga baxeen ciidamadii Xabashida Itoobiya.

Hoos Ka Daawo Sida Looga Ciiday Magaalada Galhareeri ee Gobolka Galguduud