Faahfaahino Laga Helao Weerar Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Boosaaso.

Wararka ka imaanaya deegaanka Af-urur ayaa sheegaya in laba qarax lala helay ciidamo katirsan maamulka Puntland waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo ciidamada gaaray.

Qaraxa kowaad waxaa lala helay isku imaatin ay maandooriyaha khaatka ku cunayeen ciidamada waxaana qaraxaas ka dhashay dhimashada ugu yaraan 10 askari sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Markii qaraxa koowaad uu dhacay ayay ciidamadu bilaabeen in ay daad gureeyaan dhaawacyada iyo dhimashada ayna kala eryaan dadka shacabka ah ayuu qarax 2-aad qabsaday ciidamada Puntland arrinkaas oo sare uqaaday khasaaraha gaaray ciidamada.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada “35 katirsan Maleeshiyaadka Maamulka Ashahaadda ladirirka Puntland ayaa ku dhintay qaraxyo mujaahidiintu kula beegsadeen deegaanka Af-urur ee duleedka Boosaaso, dhaawaca cadowga gaaray wuxuu ka badanyahay 50 askari” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Comments are closed.