Weeraro Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Gobalo Ka Tirsan Kenya.

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Mujaahidiinta ayaa silsilado weeraro ah ka fuliyey deegaano ka tirsan gobolada Lamu, Garissa iyo Tana River kuwaas oo lagu dilay ciidamo iyo dad Nasaaro ah sidoo kalena lagu burburiyey qaar ka mid ah gaadiidka iyo hantida gaalada.

 
Mid ka mid ah weeraradan ayaa lagu qaaday deegaan lagu magacaabo Gamba oo ka tirsan gobolka Tana River halkaas oo ay iqtixaameen ciidamada Mujaahidiinta.

 
Saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta ayaa Idaacadda Islaamiga Andalus u xaqiijiyey in Mujaahidiintu ay si buuxda ula wareegeen deegaanka ka dib markii cadowga isaga kala firxadeen halkaasi.

 
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa burburiyey Anteenka shirkadda isgaarsiinta ee deegaanka iyo qadka Korontada ee isku xira gobolada Lamu iyo Tana River.

 
Weerarka kale oo ahaa mid kamiin ah ayaa sidoo kale ka dhacay wadada isku xirta Bodhai iyo Ijara oo dhaca xadka kala qeybiya gobolada Garissa iyo Lamu.

 
Weerarkan oo lagu bartilmaameedsaday gaari Koyal ah ayaa lagu dilay ugu yaraan 3 saddex askari oo ka tirsan ciidamada military-ga Kenya, Iyadoona gabi ahaanba la gubay gaarigii ay wateen.

 
Saraakiisha Mujaahidiintu waxay noo sheegeen in isla wadadaas ay ciidamada Mujaahidiintu dhigteen Jidgooyo islamarkaana ay wadada ku qabteen qof gaal ah oo saarnaa mooto, islamarkaana halkaas lagu khaarijiyey.

 
Saraakiishu waxay sidoo kale noo sheegeen in wadada ay ku istaajiyeen gaari uu watay qof Muslim ah oo markii dambe la fasaxay markii la xaqiijiyey in uu Muslim yahay.

 
Weerarada qorsheysan ee ka dhanka ah Nasaarada ayaa dhowrkii bilood ee ugu dambeeyey ku soo kordhayey gobolada Lamu iyo NFD iyadoona inta badan weeraradaas lagu beegsado ciidamada Police-ka iyo dadka Nasaarada ah ee xoogga ku dagan deegaanadaas.

Xigasho Idaacada Andalus.

Calamada.com