Ciidamada Maamulka ‘Jubaland’ Oo Lagu Xasuuqay Buulo Gaduud(Dhageyso).

Waxaa sii kordhaya khasaaraha maleeshiyaatka maamulka Axmed Madoobe ee gaala raaca lagu gaarsiiyay dagaal culus oo saaka ciidamada Shabaabul Mujaahidiin kula jarmaadeen deegaanka Buulo gaduud oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo.

War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in mujaahidiintu ay dagaalka Buula Guduud ku qabsadeen sedax gaari iyo saanado melleteri “Mujaahidiinta ayaa dagaal kula wareegay deegaanka Buula Gaduud, dhimasho badan ayaa cadowga soo gaartay sedax gaari oo Tiknika ahna waa la qaniimeystay.

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in ciidamada Al Shabaab ay isku fidiyeen Buula Guduud iyo deegaanada hoos yimaad, sidoo kale ciidamada Al Shabaab waxay qabsadeen Bakhaaro Hub ah iyo Keydad shidaal iyo raashin ah oo ay isaga carareen ciidamada maamulka ‘Jubbaland’ isku magacaabay.

Halkan Ka Dhageyso Faahfaahinta Dagaalka Buulo Gaduud.

Calamada.com

Comments are closed.