Qarax Gaari Dagaal Lagu Burburiyay Oo Duleedka Muqdisho Ka Dhacay.

Qarax culus ayaa lala beegsaday gaari ay la socdeen maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada kuwaasi oo ku socdaalayay wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Ceelasha biyaha waxeyna miinada haleeshay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaatka dowlada Farmaajo.

Goob-jooge ka agdhawaa goobta qaraxa waxa uu warbaahinta u xaqiijiyay in gabi ahaan gaariga burburay waxaa sidoo kale qaraxa dhimasho iyo dhaawac ku noqday maleeshiyaatkii la socday gaarigaasi.

Qaraxyada miinooyinka ayaa ka mid ah weerarada sida ba’an loogu xasuuqa askarta shisheeyaha iyo kuwa kabo qaadka u ah loogana burburiya gaadiidka dagaalka noocyadooda kala duwan.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Mogadishu Somalia.

Comments are closed.