Weeraro Qaraxyo Ah Oo Ka Kala Dhacay Muqdisho Iyo Buulo Burte.

Weeraro loo adeegsaday Bambaanooyinka noocyada gacanta laga tuura ayaa lagu weeraray maleeshiyaat ka wada tirsan dowlada Ridada oo ku kula sugan gobalada Banaadir iyo Hiiraan.

Weerarka Bamka ah ee ka dhacay degmada Buulo burte waxaa lagu qaaday maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada oo ku sugnaay Buundada degmada Buulo burte waxeyna dadka deegaanka xaqiijiyeen in bamkaasi sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaartay maleeshiyaatka dowlada.

Dhanka kale weerar Bam ah ayaa lagu qaaday maleeshiyaatka Murtadiinta ee ku sugan Warshadii hore Nacnaca ee magaalada Muqdisho,waxa uu Bamkan sidoo kale sababay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo soo wajahday maleeshiyaatka Murtadiinta.

Maanta barqadii ayeey aheed markii gaari ay la socdeen maleeshiyaatka Mareykanka uu tababartay oo kasoo baxay Bilidoogle kuna sii jeeday magaalada Muqdisho miino ay kula kacday deegaanka Ceelasha Biyaha kaasi oo la xaqiijiyay in gabi ahaan uu burburay maleeshiyaatkii la socdayna ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen.

Calamada.com

Comments are closed.