Imaarada Islaamiga Afghanistan Oo Ka Hadashay Gumaadka Muslimiinta Rohingya.

Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Imaarada Islaamiga Afghanistan waxey Imaarada kaga hadashay gumaadka xoogan ee lagu hayo Muslimiinta ku dhaqan gobalka Arakan ee dalka Burma.

Bayaanka waxaa lagu xusay in ciidamada cadowga xukuumada Burma iyo maleeshiyaatka Budiyiinta maalmihii ciida Carafo gumaad xoogan oo naxdin leh ay kula dhaqaaqeen Muslimiinta Ruhinga.

Imaarada Islaamiga ayaa xustay in marne aan la ilaabi karin gubista iyo gumaadka xoogan ee ku socda Muslimiinta Ruginga waxeyna Imaarada ugu baaqday Muslimiinta caalamka oo ay Mujaahidiinta ugu horeeyaan ineysan ilaabin walaalahooda Muslimiinta Ruhinga loona sameeyo gurmad walbo oo loo abooda.

Dhanka kale Mujaahidiinta Alqaacidah ee dhulka Jaziiratul Carab ayaa si kulul uga hadlay xasuuqa lagu hayo Muslimiinta Ruhinga,iyadoona kalimad qayim ah oo uu jeediyay Sheekh Khaalid Badarfi ugu baaqay Mujaahidiinta Caalamka oo ay ugu horeeyaan Mujaahidiinta Al-qaacidah ee dhulka Qaarad u ekaha Hindiya iney u aargudaan dadka Muslimiinta ee lagu xasuuqayo gobalka Arakan ee dalka Burmo.

Calamada.com

Comments are closed.