Dhageyso Sheekh Abuu Muscab Oo Ka Hadlay Dagaalkii Buulo Gaduud.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay wareysi gaar ah oo ay la yeelatay afhayeenka ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiinta Sheekh Cabdul Caziiz Abuu Muscab oo ay ka wareysatay howlgaladii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen ciidamada Mujaahidiinta.

Sheekh Abuu Muscab oo ugu horeyntii la weydiiyay dagaalkii ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen deegaanka Buulo gaduud ee duleedka magaalada Kismaayo ayaa xusay in ciidamada Muslimiinta dagaalkaasi ku dileen inka badan 35 askari oo ah maleeshiyaatka Murtadiinta.

Afhayeenka ciidamada Mujaahidiinta ayaa xusay in dagaalkaasi ay ku gubeen Saddex gaari kuna qabsadeen Labo gaari iyo hub kala duwan.

Sidoo kale Sheekh Abuu Muscab ayaa wax laga weydiiyay qaraxyo khasaara lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka Puntland iyo kuwa dowlada Ridada oo ka kala dhacay duleedyada magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Sheekh Abuu Muscab.

Calamada.com

 

Comments are closed.