Weerar Gaari Gaashaaman Lagu Gubay Oo Ka Dhacay Jubbada Hoose.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin qeybta ka dagaalanta gobalada Jubbooyinka waxey saacadihii lasoo dhaafay weerar dhabba gal ah u dhigeen kolanyo ka tirsan ciidamada dowlada Nasaarada Kenya oo ku socdaalayay wadada isku xirta deegaanka Husingow iyo xad beenaadka gobalka Jubbada hoose la wadaago dhulka Kenya xooga kaga heysata Somalia.

Kamiinka waxaa loo dhigay kolanyo Kenyaati ah oo kusii jeeday deegaanka Husingow oo markii hore ay ka baxeen waxeyna siteen sahay ay ka gudoomeen kolanyo kale Kenyaati ah oo sahayda kasoo qaaday gudaha Kenya.

Wararkii ugu dambeeyay waxey xaqiijinayaan in weerarkaasi dhabba galka ah Nasaarada Kenya looga gubay gaari Beebo ah waxaa sidoo kale kamiinka dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro askar Kenyaati ah.

Ciidamada Kenya iyo guud ahaan shisheeyaha soo duulay ayaa ku dhib qabo sahay isku gudbinta iyo isaga kala gooshida degmooyinka iyo deegaanada ay duulaanka kaga suganyihiin Konfurta iyo Bartamaha dalka Somalia.

Calamada.com

Comments are closed.