Dhageyso Beelaha Mursade Iyo Habar-iji Oo Diyo Kala Qaatay.

Wilaayada Islaamiga ah Galgaduud ayaa hishiis kala dhex dhigtay beelaha Mursade iyo Habar-iji oo ka mid ah beelaha dega gobalka Gaduud ee bartamaha dalka Somaliya kuwaasi oo xurguf soo kala dhex gashay.

Munaasabad ballaaran oo ka dhacday gudaha gobalka Galgaduud waxey labada beelood kala gudoomeen Diyo,waxaana goobta munaasabada ku sugnaay Mas,uuliyiinta Wilaayada Islaamiga Galgaduud.

Ugaaska Guud ee beesha Mursade Ugaas Cabdu Llaahi Daahir Axmed oo wareysi ay la yeelatay Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa xusay in Wilaayada Galgaduud hishiis taariikhi ah kala dhex dhigtay beelaha Habar iji iyo Mursade.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Ugaaska Mursade Oo Dhameystiran.

Calamada.com

Comments are closed.