Weerar Qorsheysan Oo Ka Dhacay Degmada Hodan Ee Muqdisho.

Weerar qorsheysan oo sababay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo soo wajahday maleeshiyaatka dowlada ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin qeybta ka howlgasha gudaha magaaladan Muqdisho ayaa weerar dhabba gal ah u dhigay Kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka nabadsugida dowlada Farmaajo oo ku socdaalayay agagaarka isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Goob-joogayaal ayaa xaqiijiyay in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin rasaas hubiyeen oo Kamiin ay u dhigeen  labo gaari oo kala ah Cabdi Bile iyo Qooqan ay la socdeen maleeshiyaatka dowlada.

Kolanyadan kamiinka loo dhigay ayaa galbinayay xubin ka tirsan aqalka sare ee dowlada Ridada oo lagu magacaabo Xuseen Cali Xaaji kaasi oo la xaqiijiyay inuu si dirqi ah kaga badbaaday weerarkaasi dhabba galka ah.

Wararkii ugu dambeey waxey xaqiijinayaan in tiro ka tirsan maleeshiyaatka Nabadsugida dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen kamiinka sidoo kale waxyeelo ayaa soo gaartay mid ka mid ah labadaasi gaari.

 

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Mogadishu Somalia.

Comments are closed.