Faahfaahin Laga Helayo Weerar Ka Dhacay Degmada Dharkenley.

Ciidamada Mujaahidiinta ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa barqanimadii maanta howlgal qorsheysan ka fuliyey degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiisha Mujaahidiinta.

Howlgalkan ayaa lagu beegsaday gaari uu lahaa Gudoomiye ku xigeenka degmada Dharkenley, Waxaana uu yimid ka dib markii Mujaahidiintu ay wadada u galeen gaariga, ka dibna rasaas ku fureen.

Wararku waxay sheegayaan in gudoomiye ku xigeenka uu ka bad-baaday weerarka balse uu halkaas ku baqtiyey darawalkiisa, sidoo kalena ku dhaawacmeen laba ka mid ah ilaaladiisa.

Saraakiisha Mujaahidiintu waxay noo sheegeen in halyeeyada fuliyey weerarka ay si nabadgalyo ah kaga soo tageen halka uu weerarku ka dhacay Iyadoo aanan la kulmin wax iska caabin ah.

Weerarkan ayaa dhacay iyadoo maanta ay xiran yihiin inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho, Islamarkaana xitaa gaadiidka dadweynaha aanan loo ogoleyn wadooyinka, waxayna taasi muujineysa tabardarada laamaha amni ee murtadiinta.

Calamada.com

Comments are closed.