Kamiin Loo Dhigay Kolanyo Ka Tirsan Ciidamada Shisheeye.

Weerar dhabba gal ah ayaa loo dhigay kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Afrikaanta oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah gobalka Shabeelada hoose.

Kolanyada kamiinka loo dhigay ayaa kasoo baxay deegaanka Shalambood ee gobalka Shabeelada hoose waxeyna kusii jeedeen dhanka magaaalada Muqdisho.

Kamiinka ayaa ku bilowday qaraxyo miino oo lala beegsaday gaadiidka Shisheeyaha kadibna waxaa goobta ka dhacay kamiin isku badalay dagaal culus.

Weerarkan dhabba galka ah waxa uu sigaar ah kaga dhacay agagaarka deegaanka Ceelwareegow,iyadoona kamiinkan uu kusoo aadaya xilli maalmo ka hor weerar dhabba gal ah oo ka dhacay isla agagaarka deegaanka Ceelwareegow lagu dilay Labo askari oo Ugandheys ah laguna dhaawacay Labo kale.

Calamada.com

Comments are closed.