Qarax Lala Beegsaday Xubno Ka Tirsan Dowlada Oo Muqdisho Ka Dhacay.

Xog dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax culus oo ka dhacay afafka hore Hoteel Wehliye ee magaalada Muqdisho kaasi oo dhawaaqiisa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shbaabul Mujaahidiin ayaa lagu xaqiijiyay in qaraxa lala beegsaday goob ay ku caweynayeen Saraakiil ka tirsan Nabad sugida iyo agaasimayaal wazaaradeed oo ka wada tirsan dowlada Ridada Farmaajo.

Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa lagu dilay Sideed xubnood oo isugu jirta saraakiil iyo Agaasimayaal tiro kalane weey ku dhaawacmeen kuwaasi oo dhaawacyadooda loola cararay gooba caafimaad.

Maalmihii u dambeeyay waxaa gudaha magaalada Muqdisho si xiriir ah kaga dhacay weeraro ay fuliyeen ciidamada Shabaabul Mujaahidiin kuwaasi oo lagu dilay saraakiil iyo maleeshiyaat ka tirsan dowlada Farmaajo.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Mogadishu, Somalia.