Weerar Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Kismaayo.

Weerarkan oo loo adeegsaday qarax miino waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Buulo gaduud oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose.

Miinada ayaa lagu aasay goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Axmed Madoobe oo ku taala Buundada deegaanka Buulo Gaduud waxaa dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay deegaanka iyo hareerihiisa.

Dadka deegaanka waxey xaqiijiyeen in tiro ka tirsan maleeshiyaatka Axmed Madoobe dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen qaraxa oo dhacay fiidkii hore xalay.

Deegaankan Buulo gaduud ee qaraxa ka dhacay waxaa dhowr maalin ka hor ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen weerar lagu dilay inka badan Afartan askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Maamulka Axmed Madoobe iyo midka dowlada Ridada Farmaajo.

Calamada.com