Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Iyo Kuwa Shisheeyaha Oo Qoryooley Ku Dagaalamay.

Wararka Idaacadda Islaamiga Andalus ay ka heleyso degmada Qoryooley ayaa sheegaya in ciidanka Mujaahidiinta ay duhuradii weerar culus ku qaadeen ciidamo ka tirsan Kuffaarta Afrikaanta oo dhaq dhaqaaq ka sameeyay degmadaasi.

Sida xogta aan ku heleyno askar fara badan oo ka tirsan Kuffaarta ayaa bannaanka uga soo baxay degmada waxay soo gaareen kaliga lagu magacaabo Liibaanta,markay halkaas marayaan ayaa waxaa lagala hor tagay dagaal culus oo muddo socday.

Saraakiisha dagaalka waxay u xaqiijiyay idaacadda in dagaalka la isla gaaray ilaa gudaha degmada oo dib loo celiyay ciidankii Kuffaarta Afrikaanta.

Lama hayo khasaare rasmi ah oo soo gaaray cadowgii lagu beegsaday halka loo yaqaano kaliga Liibaanta ee degmada Qoryooley ee WI Sh hoose.

Xigasho Radioandalus24.com

Calamada.com