Dhageyso Dibad Baxyo Xoogan Oo Ka Socda Caasimada Itoobiya.

Wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya waxey sheegayaan in gudaha magaaladaasi uu ka socda dibad bax xoogan oo si aad ah u saameeyay dadka,gaadiidka iyo ganacsiga magaaladaasi.

Dibad baxayaasha ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah maamulka Tigreega ee xooga ku heysta talada dalka Itoobiya.

Kumanaanka ruux ee dibadbaxyada dhigaya ayaa ku dhawaaqaya ereyo ka dhan ah maamulka Tigreega waxeyna ka dalbadeen inuu iska wareejiyo talada dalkaasi.

Guud ahaan gobalada dalka Itoobiya waxaa ka socda dibadxayo ka dhan ah maamulka Tigreega waxaana dibadbaxyada ugu xoogan wada qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada.

Halkan Ka Dhageyso Sida Dibadbaxa Uga Socda Caasimada Itoobiya.

Calamada.com