Cabdi Naasir Qalloocow Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho ku dileen askari ka tirsan maleeshiyaatka Nabadsugida dowlada Ridada Farmaajo.

Ragga hubeysan ayaa toogtay Cabdi Naasir Qaloocow oo ahaa askari ka tirsan Ashahaado la dirirka kaasi oo ragga dilay ay ka toogteen qeybaha sare ee jirka waxeyna taasi sababtay in askariga isla goobta ku geeriyooda.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan xaafadaha degmada Howlwadaag ayaa xaqiijiyay in askariga la dilay uu ahaa askari si aad ah u dhibi jiray shacabka ku dhaqan degmada Howlwadaag.

Mas,uuliyadda dilkan waxaa sheegatay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo maalmihii lasoo dhaafay gudaha Muqdisho ku dishay saraakiil iyo askar ka tirsan dowlada Farmaajo.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Mogadishu, Somalia.