Askarta Dowlada Oo Qof Shacab Ah Ku Dilay Agagaarka Masjidka Marwaazi.

Askari ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Farmaajo waxa uu si bareer ah qeybo ka mid ah degmada Xamarweyne ugu dilay Qof shacab ah.

Dilkan waxa uu ka dhacay agagaarka Masjidka Marwaazi ee degmada Xamarweyne,iyadoona askariga Murtadka ah si bareer ah rasaas ugu furay nin darawal ka ahaa Mooto Bajaaj taasi oo sababtay in ruuxa darawalka ah oo qof shacab ahaa  isla goobta ku geeriyooda.

Inta badan maleeshiyaatka dowlada Ridada iyo kuwa Kufaarta Afrikaanta ayaa si bareer ah u dila shacabka magaalada Muqdisho waxeyna dilalkan soo laablaabto muujinayaan in shisheeyaha iyo maleeshiyaatka dowlada ku tartamayaan Kufsiga,dilka,dhaca iyo xariga shacabka maatida ah ee ku dhaqan xaafadaha magaalada Muqdisho.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Mogadishu, Somalia.

Comments are closed.