Dhageyso Weerar Ciidamada Uganda Looga Gubay Gaadiid Dagaal.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar dhabba gal ah u dhigeen kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Uganda oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah gobalka Shabelada hoose.

Kolanyada Yugandheyska ee Kamiinaka loo dhigay ayaa ka baxay magaalada Muqdisho waxaa weerarkan dhabba galka ah loo dhigay xilli ay marayeen agagaarka deegaanka Ceelwareegow.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in ciidamada Kufaarta Kamiinkaasi looga gubay Labo gaari oo ka mid ahaa gaadiidkii ay wateen.

Sidoo kale wararka laga helayo deegaanka Ceelwareegow waxey xaqiijinayaan in tiro askar Ugandeys ah dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen weerarkasi dhabba galka ah.

Halkan Ka Dhageyso Warbixinta Kamiinka.

Calamada.com

Comments are closed.