Sawiro+Dhageyso Taliyihii Ciidamada Dowlada Ee Degmada Ceelbuur Oo Isku Dhiibay Shabaabul Mujaahidiin.

Munaasabad ballaaran oo ka dhacday deegaan ka tirsan gobalka Galgaduud waxey Wilaayada Islaamiga ah ee Galgaduud kusoo bandhigtay Taliyihii maleeshiyaatka dowlada Ridada ee degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud.

Labo Xidigle Cabdullaahi Maxamuud Cali Xeynoof oo ku magac dheer Cabdullaahi Jareer islamarkaana ah taliyaha maleeshiyaatka dowlada ee degmada Ceelbuur oo ah degmo Shan Bilood ka hor ay isaga carareen ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya iyo Maleeshiyaatka dowlada ayaa isku dhiibay Shabaabul Mujaahidiin,waxaa goobta lagu soo bandhigay sarkaalkan ku sugnaay Mas,uuliyiinta Wilaayada iyo qaar ka mid ah Eheladiisa.

Sarkaalkan ayaa hadda markii uu is dhiibayay kasoo tagay degmada Beledweyne ee gobalka Hiiraan waxaana markii uu soo galayay dhulka ay maamulaan Shabaabul Mujaahidiin kasoo goostay degmada Dhuuso Mareeb ee gobalka Galgaduud.

Taliyahan waxaa la socday xaaskiisa oo iyaduna aheed ka mid aheed xubnihii dowlada Ridada ee Xabashida Itoobiya kula sugnaay degmada Ceelbuur taasi oo iyaduna lagu magacaabo Dahabo Xirsi Maxamuud.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay Wareysi dhinacyo badan taabanayo oo ay la yeelatay taliyihii maleeshiyaatka Murtadiinta ee degmada Ceelbuur waxa uu sarkaalkan xusay inuu si aad ah ugu faraxsanyahay Towbada Allaah uu Waafajiyay.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Taliyihii Maleeshiyaatka Dowlada Farmaajo Ee Ceelbuur.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Taliyaha.

Calamada.com