Dad Ku Dhintay Shil Gaari Oo Ka Dhacay Duleedka Jowhar.

Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelada dhexe waxey sheegayaan in dhanka Konfureed ee maagaalada Jowhar uu ka dhacay shil gaari oo sababay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed.

Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Moota Bajaaj ah iyo gaari Nooha ah oo ku wada socdaalayay duleedka degmada Jowhar.

Inta la xaqiijiyay shilkan gaari waxaa ku dhintay Saddex ruux Afar kalane weey ku dhaawacmeen kuwaasi oo dhaawacyadooda la dhigay isbitaalka guud ee magaalada Jowhar,iyadoona burbur xoogan uu soo kala gaaray Mootada iyo gaarigii Noohada ee isku dhacay.

Duleedka degmada Jowhar waxaa dhowr jeer kusoo laablaabtay shilka noocyadaan oo kale ee sababa khasaaraha nafeet iyo midka hantiyadeed waxaana soo laab laabashada shilalkan gaari sabab looga dhigayaa wadooyinka oo aad u burbursan iyo darawalada oo si xowli ah ku kaxeeya gaadiidka.

Calamada.com

Comments are closed.