Dibad Baxyo Ka Dhan Ah Madaxweynaha Uganda Oo Ka Bilowday Dalkaasi.

Wararka laga helayo magaalada Kampala oo ah caasimada dalka Uganda waxey sheegayaan in gudaha magaaladaasi ay ka bilowdeen Dibax baxyo rabshada wata oo loogaga soo horjeeda madaxweynaha hayo talada dalkaasi gaalka lagu magacaabo Yuweri Museveni.

Dadka dibad baxyada dhigaya ayaa kasoo horjeeda waqti kororsi uu damacsanyahay madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni.

Ciidamada Booliska ayaa si bahdil ah ula dhaqmay duqa magaalada Kampala kadib markii uu taageeray dibad baxyada lagu diisanyahay siyaasadda Museveni.

Saraakiisha Booliska ayaa garaacay duqa Kampala xilli si toos ah uu uga hadlayay Telefeshin Maxalli ah arrinkaasi oo ka caraysiiyay dadkii dibad baxyada dhigayay.

Hoggaamiyaha Mucaaradka ayaa kasoo horjeestay qorshaha Museveni uu ku doonayo in uu wax uga bedelo dastuurka Uganda ee dhigaya in madaxweynuhu uusan marka iskusoo sharraxi karin doorashooyinka dhacaya sanadda 2021.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Dibad Baxyada Kampala.

Calamada.com

 

Comments are closed.