Askari Lagu Dilay Duleedka Beledweyne.

Deegaanka Kala beyrka oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ee Bartamaha dalka Somaliya waxaa lagu dilay askari ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada.

Askarigan lagu dilay deegaanka Kala Beyrka oo ka tirsanaay qeybta Minishiibiyada waxaa dilay askari kale oo ka tirsanaay maleeshiyaatka Booliska,iyadoona faahfaahino laga helayo dilkaasi.

Goob jooge ka agdhawaa goobta dilka uu ka dhacay ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in askariga dilka geystay iyo midka la dilay ay ku murmeen qeybsiga Lacago baad ah oo maleeshiyaatkaasi kaga soo xarootay isbaaro dowlada Ridada u taala deegaankaasi.

Inta badan maleeshiyaatka dowlada ayaa ku murma ugu dambeyntiina isku dila qaab qeybsiga Lacagaha Baada ah ee kaga soo xarooda goobaha isbaarooyinka ah.

Calamada.com

Comments are closed.