Qarax Ka Dhacay Deegaanka Weedow Ee Degmada Hodan.

Qarax loo adeegsaday Bamka nooca gacanta laga tuura ayaa lagu weeraray goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaatka dowlada Ridada goobtaasi oo ka tirsan deegaanka Weedow oo ah deegaan u dhaw isbaarada dowlada ee isgoyska Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Dhawaaqa qaraxa waxaa si aad ah looga maqlay xaafado badan oo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho,waxeyna Ilo wareedyo sheegeen iney jirto tiro askar ah oo khasaara nafeet ay kasoo gaartay weerarka Bamka ah.

Weerarkan qaraxa ah waxa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii lasoo dhaafay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay sii kordhiyeen weerarada ka dhanka ah dowlada Farmaajo iyo kuwa shisheeyaha ah ee ay ka fulinayaan gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Mogadishu, Somalia.

Comments are closed.