Dhageyso Meydad Askarta Dowlada Ah Oo Laga Helay Wabiga Shabeelle.

Waxaa sii korartay khasaaraha maleeshiyaatka dowlada ridada lagu gaarsiiyay dagaalkii shalay subax ka dhacay deegaanka Bariire ee duleedka degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada hoose.

Wararkii ugu dambeeyay waxey sheegayan in tirada askarta dowlada Ridada looga dilay weerarkii Bariire ay gaartay Inka badan Siddeetan askari oo ay ku jiraaan saraakiil ciidan.

Wabbiga Shabeelle qeybaha uu ka maro deegaanka Bariire iyo deegaanada kale ee ku dhaw dhaw ayaa lagu arkay meydadka tiro askar ah oo dul sabeynayo Biiyaha Wabiga taasi oo muujineysa in wali ay suura gal tahay in helo meydad hor leh oo ah askarta dowlada.

Halkan Ka Dhageyso Meydadka La Arkay Iyo Xogtii Ugu Dambeysay.

Calamada.com

Comments are closed.