Sawiro+Dhageyso Afar Askari Oo Kasoo Goosatay Maamulka Axmed Madoobe.

Wilaayada islaamiga ah ee Jubooyinka waxay wali soo dhaweyneysaa Askarta kasoo goosta Maamulka uu madaxda uyahay Axmed Madoobe ee fadhigiisu yahay Magaalada Kismaayo.

Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa magaalada Jilib kusoo bandhigtay afar askari oo sanado la shaqeynayay Jubbaland kuwaasi oo lagu kala magacaabo,

1-Maxamed Isxaaq Nuur,

2-Xasan Nuur Xuseen,

3-Xasan Abeyle Xoosh,

4-Cumar Yuusuf Muus.

Askartan Towbadkeenayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay kamid ahaayeen rag si xoog ah loo ciidameeyay kadib markii ay kamid noqdeen dad laga raafay Kismaayo.

Markii ay dhameesteen Tababarka oo ay bixiyeen Ciidamo Itoobiyaan ah ayay sheegeen in loo qaaday Buulo gaduud iyo Cabdala Biroole ee dulleedka Kismaayo.

Eheladooda iyo odayaal ku heyb ah askartaan ayaa fududeeyay inay kasoo baxaan safka shisheeyaha islamarkaana isku dhiibaan Mujaahidiinta Alshabaab.

Waxay ka sheekeeyeen sida loo ciidameeyay iyo mudada tababarka ay qaateen.

Halkaan Ka Dhageyso Codadka Askarta.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada.

Comments are closed.