Waa Sidee Xaalada Deegaanka Rasadaay?.

Iyadoo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Kufaarta Uganda gabi ahaan ay isaga carareen deegaanka Rasadaay oo ah deegaan Istiraatiiji ah oo dhaca duleedka degmo xeebeedka Baraawe ee gobalka Shabeelada hoose waxaa deegaankaasi si buuxda ula wareegay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Maalintii Labaad ayeey Raayada Towxiidku ka babaneeysa deegaanka,iyadoona halkaasi ay ku suganyihiin ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab dadka deegaanka ayaa si weyn usoo dhaweeyay la wareegidda Mujaahidiinta ee deegaankaasi.

Sidoo kale ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa si buuxda u maamulaya wadada isku xirta deegaanada Maryan Gubaay iyo Ambareeso waana wadda ku fadhisa 45-KM oo Laami ah.

Tani ayaa muujineysa in go,doon adag  ay galeen ciidamada shisheeyaha iyo maleeshiyaatka Kabo qaadka u ah ee ku sugan degmada Baraawe iyo duleedkeeda.

Calamada.com

Comments are closed.