Askari Lagu Dilay Duleedka Magaalada Muqdisho.

Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah wadada dheer ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ku dileen askari ka tirsan dowlada Ridada.

Dilka askarigan waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho waxeyna Ragga hubeysan askarigan ka toogteen qeybaha sare ee jirka.

Mas,uuliyadda dilka askarigan waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo mudooyinkii dambe sii kordhisay weerarada ka dhanka ah saraakiisha iyo maleeshiyaatka dowlada Farmaajo.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Mogadishu, Somalia.

Comments are closed.