Qaraxyo Shisheeyaha Lala Beegsaday.

Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelada hoose ee Konfurta dalka Somalia waxey sheegayaan in deegaano ka tirsan gobalkaasi Labo qarax lagula beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Afrikaanta.

Qaraxa Kowaad oo Miino ah ayaa haleelay gaari Taw ah oo qeyb ka ahaa kolonyo gaadiid ah oo kasoo baxday deegaanka Maryan Gubaay ee gobalka Sh/hoose.

Gaariga Tawga ah ayaa gabi ahaan bur buray waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday askartii shisheeyaha ee la socotay gaarigaasi Taw-ga ah.

Weerarka labaad ee qaraxa ah ayaa ka dhacay meel ka fog goobta weerarkii hore,waxaana qaraxan oo sidoo kale ahaa Miinada dhulka lagu aaso ay haleeshay gaari Xamuul ah oo ay saarnaayeen askar ka tirsan Kufaarta Afrikaanta.

Miinada ayaa gabi ahaan burburisay gaariga Xamuulka ah,sidoo kale askartii shisheeyaha ee la socotay gaariga ayaa Baqti iyo dhaawac ku noqday qaraxaasi.

Inta badan wadada isku xirta Baraawe Iyo Muqdisho waxaa lagu beegsadaa gaadiidka cadowga waqtiyada ay kala gudbisanayaan sahayda.

Comments are closed.