Sawiro Dhaalibaan Oo Soo Bandhigtay Gaadiid Iyo Hub Ay Qabsatay.

Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan waxey saacadihii lasoo dhaafay Dagaal culus ku qaadeen degmada Nesh ee gobalka Qandahaar ee Konfurta dalkaasi.

Dagaalkan oo muddo socday waxa uu dhex maray ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa maamulka daba dhilifka Kaabul ee dowlada Nasaarada Mareykanka ay ka dhisatay dalkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa xaqiijinaya in ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan goola waaweyn ay ka gaareen dagaalka ka dhacay degmada Nesh ee gobalka Qandahaar.

Mu,asasada Al-emarah oo ka mid ah garabyada Warbaahineed ee Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan ayaa baahisay Sawirada gaadiid iyo hub fara badan oo ciidamada Mujaahidiinta ay qabsadeen dagaalkaasi.

Sidoo kae warbaahinada gudaha Afghanistan iyo kuwa Caalamka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil fara badan maamulka daba dhilifka Kaabul looga dilay dagaalkaasi.

Halkan Ka Daawo Sawirada.

 Calamada.com

1,020 total views, 4 views today