Daawo Sawirada Beeraleydii Uu Mareykanku Ku Xasuuqay Deegaanka Daaru-salaam Ee Gobalka Sh/hoose.

Iyadoo aanu baahinnay in xalay sagaal saac habeenimo diyaarado Mareykanku uu leeyahay ay duqeeyeen dad beeraley ah ayaa idaacadda Islaamiga Andalus waxay goobta ka heshay sawirada qaabka uu u dhacay gummaadka.

Wariyayaal ka tirsan idaacadda oo tagay goobta ayaa soo qaaday muuqaallo muujinaya  in duqeynta si bareer ah loogu dilay beeraleyda oo waqtiga uu ku dhacayay gantaalka jiifay meel beertooda u dhaw isla markaana haystay agabkii ay ku qodanayeen beerta.

Wuxuu noo sheegay wariyaheenu in dadkaas lagu dilay hal gantaal oo aad u qarxay dhaliyayna firirka laayay raggaas oo jiifay goobo aan isu dhaweyn,ma jirto mar marsiimo uu mareykanku ku sheegto in duqeyntaas uu ku qaldamay.

Maatadii uu laayay mareykanka ayaa lagu aasay isla Daara Salaam waxaana dadka deegaanka ay ku sifeeyeen duqeyntan mid uu dowladda Mareykanka ay ummada muslimka ah kaga hor istaageyso wax soo saarka dalkooda.

Daawo Sawirrada Xasuuqii  Daarasalaam.

1,111 total views, 10 views today