Qaraxyo Ka Dhacay Degmooyin Ka Tirsan Gobalka Baay.

Wararka ka imaanaya gobalka Baay waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay qaraxyo khasaara dhaliyay ay ka dhaceen qeybo ka mid ah gobalkaasi.

Qaraxyadan ayaa ka kala dhacay degmooyinka Baydhabo iyo Diinsoor oo ka wada tirsan gobalka Baay,qaraxyadaasi ayaa lala beegsaday maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Shariif Sakiin.

Qaraxa Kowaad oo loo adeegsaday Bamka nooca gacanta laga tuura waxa uu ka dhacay degmada Baydhabo kaasi oo lala beegsaday saldhig Boolis oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaatka Murtadiinta.

Qaraxa Labaad oo isagana Bam ah ayaa lagu weeraray Guri uu degmada Diinsoor ka daganyahay mid ka mid ah saraakiisha maamulka Shariif Sakiin ugu magacaaban degmadaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxyadaasi waxey sheegayaan iney jirto khasaara maleeshiyaatka maamulka Shariif Sakiin lagu gaarsiiyay qaraxyadaasi.

Calamada.com

112 total views, 1 views today