Askarta Dowlada Oo Lagu Weeraray Degmada Howlwadaag.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey habeenkii xalay weerar qorsheysan ku qaadeen mid ka mid ah fariisinka iyo Isbaarooyinka maleeshiyaatka dowlada Ridada ay ka sameysteen degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Fariisinka sida gaarka ah ay u weerareen ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey maleeshiyaatka dowlada ka sameysteen isgoyska Black-sea ee degmada Howlwadaag.

Dagaalkan waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,dhawaaqa rasaasta dagaalka ayaa si aad ah looga maqlayay xaafadaha degmada Howlwadaag iyo degmooyina dariska la ah.

Dagaalka oo xilli Habeen ah dhacay si rasmi ah looma xaqiijin tirada maleeshiyaatka dowlada Farmaajo kaga dhimatay iyo tirada kaga dhaawacantay dagaalka.

Dagaalkan waxa uu kusoo aadaaa xilli saacadihii lasoo dhaafay gudaha Suuqa Bakaaraha lagu dilay mid ka mid ah Ergadii wax kasoo dhistay xildhibaanada dowlada Ridada gaar ahaan qeybtii lagu soo doortay degmada Jowhar ee gobalka Shabeelada dhexe.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Mogadishu, Somalia.

207 total views, 2 views today