Kolanyo Ciidan Oo American Ay Ku jiraan Oo Lagu Weeraray Duleedka Kismaayo.

Saaka waxaa magaalada Kismaayo kasoo baxay ciidamo aad u fara badan oo uu hoggaaminayo Mareykanka kuwaasoo doonayay inay sameeyaan dhaq dhaqaaq horay u socod ah.

Marka ay soo dhaafeen deegaanka Buulo Gaduud waxaa lagala hor tagay dagaal culus iyadoo mujaahidiinta ay qorsheysteen dagaal adag oo lagu joojinayo horay u socdka maleeshiyaadka iyo Kuffaarta.

Dagaalka oo ay ka qeyb qaadanayaan diyaaradaha dagaalka waxay mujaahidiinta kaga hortagayaan hub culus iyo kuwo fudud iyadoo dagaalka ay qeyb ka yihiin qaraxyo lala eeganayo ciidanka iyo gaadiidka dagaalka ee cadowga.

Sarakiihs mujaahidiinta ee dagaalka hogaaminaya ayaa soo sheegay in cadowga uu ku guul dareystay isku daygiisa iminkana ay dageen goobtii looga hortagay ee dagaalka culus uu ka dhacay.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi wixii kasoo kordhana dib ayaan uga soo gudbin doonnaa akhristayaasheena.

Xigasho Radioandalus24.com

Calamada.com

259 total views, 1 views today