Sawirro: Qowmiyadda Orange Rimba Ee Dalka Indonesia Oo Diinta Islaamka Qaadatay.

Wadanka Indonesia oo ay kunool yihiin muslimiinta ugu badan caalamka tiro ahaan ayaa lagasoo sheegayaan war farxad gelinaya muslimiinta kaasi oo ah in mid kamida qowmiyadaha ku dhaqan wadankaas ay diinta islaamka qaadatay.

Warbaahinta maxalliga ah iyo midda caalamiga ah ayaa faafisay warkan ku bishaareynaya in ay diinta islaamka qaadatay mid kamida qowmiyadaha ugu weyn ee degta dhulka Keymaha doogga ah ee Indonesia caanka ku tahay.

Qowmiyadda Orange Rimba ee dalka Indonesia ama (الأورانج ريمبا) ayaa muslimtay kadib markii ducaad muslimiin ah ay u istaageen sidii ay gaalnimada uga bixi lahaayeen dadkaasi.

Waxay aheyd munaasabad ballaaran oo ay kasoo qeyb galeen ducaad iyo mutadawiciin muslimiin ah,waxaana munaasabaddan oo ka dhacday magaalada Jambi ku sugnaa boqolaal haween,carruur iyo dad waayeello ah kuwaas oo kalimadda Towxiidka afka loogu qabanayay.

Shacabka Orange Rimba ayaa muddo boqolaal sanadood ah waxay ku noolaayeen dhulka Keymaha Indonesia ee aan abaarta arkin waana dhul roobaad aad u cagaaran oo ay ka baxaan geedaha alwaaxda laga sameeyo iyo dhirta nuucydeeda kala duwan.

Dadkaas ayaa lanoolaa dugaagta waxayna halis kala kulmi jireen shaqaalaha dowladda Indonesia marka ay jarayaan geedaha alwaaxda laga sameeyo waxaana la sheegay in tobaneeyo qof ay u dhinteen qiica ka dhasha dabka lagu shido dhulka Howdka ah.

Qowmiyaddan oo horay diin uga dhigan jirtay labka iyo dheddigga ayaa hadda soo gashay diinta islaamka islamarkaana nolosha iyo geerida alle u sugaysa.

waxaa la arkayay carruur du fadhida gogol qoryaha lashito ka sameysan oo ku labisan dhar cad kuwaas oo ku qeylinayay “islaamka ayaan difaaci doonnaa illaa aan ka dhimaneyno”, sidoo kale waxay ku dhawaaqayeen kalimadda Towxiidka ee لا اله الا الله.

Warbixinadu waxay sheegayaan in muddo sedax bilood ka hor ah ay diinta islaamka soo galeen 58 qoys oo katirsan qabiilka saliitaaw oo kamid ah shacab weynaha Oronge Rimba,taas oo dhabaha uxaartay boqolaal qoys oo hor leh in ay islaamaan waxaana si weyn arrintan looga hadal hayaa wadanka Indonesia oo hoy u ah malaayiin qof cawaan diinlaawayaal ah.

muslimiinta cusub oo basas iyo gaadiid xamuul ah loogasoo daabulay dhulka Keymaha cagaarka badan ayaa ladajiyay magaalada Jambi halkaas oo loogu qeybiyay dhar daahirsan iyo sajaayadaha salaadda lagu tukado, howlgalkan aadka loo bogay ee dadkan lagusoo islaamiyay laguna taageeray waxaa gacan weyn ka geystay jamaciyaadka islaamiga ee kala ah جماعة جبهة المدافعين عن الإسلام و جماعة هداية الله الدعوية الإسلامية

.في إندونيسيا

Hay’adaha Nasaarada iyo calmaaniyiinta ayaa mid kamida jamaacaddan ku eedeeyay in ay dadkan ku qasbeen in ay islaamaan tallaabadaas oo hordhac u ah dacayad lagu furayo ducaadda muslimiinta ee Indonesia ka howlgala kuwaas oo dacwadooda durbadiiba miradhal noqotay.

Ustaad Reyxaan oo kamid ah jamaacada جبهة المدافعين عن الإسلام ayaa warbaahita u sheegay in ay ku mashquulsanyihiin sidii ay dadkan ku cusub diinta islaamka ubari lahaayeen waxyaabaha aas aasiga ah sida in ay ulaqinaan Toxwiidka oo ah asalka diinta islaamka isagoo hadlayay ayuu yiri “hadda waxaan xoogga saareynaa sidii aan carruurta ubari laheyn diinta islaamk sababtoo ah iyagaa aad ufudud oo quluubtooda waxyaabo kale kama buuxaan halka wax baridda dadka waaweyn ay tahay mid aad u adag oo waqti dheeri ah ubaahan”.

Ustaan Reyxaan oo hadalkiisa sii wata ayaa ka sheekeeyay waxa ay dadka aaminsanaayeen ka hor intii aysan diinta islaamka soo gelin oo ay diin ka dhiga jireen wuxuuna sheegay in ay ahaayeen dad go’doon ah oo baadil dhax muquuranayay “intii aysan soo islaamin ka hor waxay ahaayeen kuwa rumeysan oo ilaahyo ka dhigan jiray labka iyo dheddiga oo alle maba rumeysnayn,midkood marka uu dhinto ma aheyn kuwa duugo ama aaso ee Meydadka waxay uga tagi jireen dhulka keymaha ah laakin hadda oo ay muslimiin nodeen noloshoodu waa mid macno iyo ujeeddo leh.

Max’med Yuusuf Boogow waa hoggaamiye Tuulo wuxuu sheegay in mar uun uu ku fikirayay sidii uu diinta islaamka uqaadan lahaa isagoo lahadlayay warbaahin ku hadasha luqadda Fiyatnaamka ayuu sheegay in riyadiisi ay hadda rumoowday wuxuuna soo hadal qaaday waxyaabaha sababta u ahaa in uu diinta islaamka soo galo “wuxuu ahaa go’aan aad u adag waxaan dareemaynay in uusan noo furnayn khiyaar aan aheyn islaamnimo haddii aan rabno in aan hora usii soconno haddii aan rabno in cararruurteena iyo dad kale ee shacabka (Iftiinka) ay helan nolol wanaagsan sidaas ayaan islaamnimo udoor bidnay..islaamku waa nolosha dhabta ah” ayuu yiri Maxamed Yuusuf oo maalmo ka hor diinta islaamka soo galay.

Dadkan ayaa marmarka qaar loo yaqaan shacabka iftiinka sidaas waxaa loo yiri waxay ku noolyihiin dhul dusha sare ka feydan sababtoo ah maharsadaan guryo marwalba waa banaanyaal geedaha dushiisa kunool marmarka qaarna dhulka ayay usoo degaan oo malahan guryo iftiinka k dahaara.

Hoggaamiyaasha qowmiyaddan diinta islaamka qaadatay waxay carabaabeen in halis ay ku galaan dabka laqabadsiiyo dhulkooda howdka ah taas oo sababay dhimashada tobanaan qof waxaana la sheegay in kooxaha ka ganacsada saliidda geedda lagasameeyo geedka qumbaha ee wadanka indonesia ay halis ku ahaayeen dadkaas oo markii dambe ubarakacay dhanka dhulalka muslimiintu deganyihiin taas oo sababtay in qaar badan oo kamid ah ay diinta islaamka qaataan.

Hay’ado reergalbeed ah iyo waxa loogu yeero Q.Midoobe ayaa isla dhax qaaday in dadkan lagu qasbay in ay diinta islaamka qasab ku qaateen balse waa arrin been ah oo ducaadda muslimiinta indonesia waxay sheegeen in kaliya ay dawcada gaarsiiyeen iyagoo xur ahna islaamka soo galeen.
إندونيسا

Người Orang Rimba cải sang đạo Hồi
Người Orang Rimba cải sang đạo Hồi
Người Orang Rimba cải sang đạo Hồi
Người Orang Rimba cải sang đạo Hồi
Người Orang Rimba cải sang đạo Hồi
إندونيسا
إندونيسا

FG: siwirrada qaar sooma gudbin karno sababa laxiriira muuqaallada oo aan munaasab aheyn.

Xigasho Somalimemo.net

Calamada.com

392 total views, 2 views today

Comments are closed.